TIO waa adeeg lacag la’aan ah oo loo sameeyay inuu caawiyo dadka xal ka gaari waayay dhibaato ka haysata shirkadaha telefoonada iyo internetka.
Si walba ha ahaatee, waa inaad marka ugu horaysa isku daydid inaad xal kala gaadhid cabashadaada shirkada ku siisa adeega isgaarsiinta intaadan na soo wicin.
Waxaan baarid ku samayn karno
TIO waxay baadhi kartaa dacwadaha la xiriira telefoonka gacanta, Telefoonka guriga iyo arimaha Internetka ee ku saabsan:
• biilka (heshiisyo khalad ah, sicir khalad ah, biil xili dambe la soo diray)
• dhibaatooyin la xiriira adeegyada qoraalada lagu gudbiyo telefoonada ( kuwaasooy kuu suurtagali weydo inaad iska joojiso)
• cilado iyo tayada adeega
• dib u dhac ku dhacda xiriirinta
• hawlaha deyn soo xaraynta ( ay ka mid yihiin dhibaatooyin la xiriira lacag bixinta sidii loo qorsheeyay iyo deyn bixin waayid)
• heshiisyada ( ay ku jiraan shuruudo aan cadayn ama xaq ahayn).
Waxaanan baarid ku samayn karin
Ma baari karno dacwadaha ku saabsan:
• arin aad la socotay in ka badan sanad intaadan nala soo xiriirin (mararka qaarkood waxaan tan u durkin karnaa laba sano)
• siyaasada dawlada ee ku saabsan isgaarsiinta
• qalabka isgaarsiinta ee sida goonida ah loo leeyahay ( waxaa kamid ah telefoonada gacanta ama kombuyuutarada lacagtooda la wada bixiyay)
• waxyaalaha ku jira adeega sida codadka telefoonka gacanta ee la isku soo diro iyo website-yo
• sicirka shirkadaha ee la xiriira adeegyada ay bixiyaan iyo qalabka
• Waxyaalo maxkamad la geeyay (ama sugaya in maxkamad la hor geeyo).
Adeega turjubaanada
Hadaad u baahan tahay turjubaan wac 131 450. Waa adeeg lacag la’aan ah. Waa inaad cid u wakiilato inay dacwadaada kuugu gudbiso TIO hadaadan af ingiriiskaaga ku kalsoonayn ood wax kula xiriiri karin.
Kala xiriir TIO
Telefoon lacag la’aan ah: 1800 062 058*
TTY: 1800 675 692
* Hadaad telefoonka gacanta ka wacdid lacag ayaa kugu socon karta, lacagtaas kugu socotana waxay ku xiran tahay hadba shirkada telefoonkaagu yahay. Hadaad naga soo wacaysid telefoonka gacanta noo sheeg anagaa ku soo wacaynee.
tio.com.au
No comments:
Post a Comment